Dhageyso: Galmudug ''Shirka gobalada dhexe ma hor istaagi karto Puntland wuuna qabsoomayaa''

0

Maamulka Gal-mudug ayaa sheegay in shirka Cadaado ka furmi doona uu yahay fursad weyn oo soo martay shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulkaasi Maxamed Cabdi Cali  ayaa sheegay in fursadaan ay la mid tahay canug yar oo dhashay, islamarkaana loo baahan yahay in shacabka ay u istaagaan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen, inta wax loo ogol yahay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shacabka wixii dan u ah iyaga ayaa raadsan doona, laakiinse waxaan leeyahay shirka Cadaado waa fursad soo martay shacabka ku dhaqan gobalada Mudug Iyo Gal-gaduud, aan ka faa’ideysanno” ayuu yiri gudoomiye u xigeenka baarlamaanka Gal-mudug.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay gudoomiye ku xigeenka in dadka si isku mid ah ay uga Faa’iideystaan Fursadan ay ku heli karaan maamul ay ku mideysan yihiin oo uu ku sheegay in ay tahay midnimo shacabka Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay ku helayaan shirka Maamulka Gobolada dhexe ee ka furmaya Magaalada Cadaado.

Halkan ka dhageyso: