(Dhageyso) Ganacsatada Xamarweyne Oo Soo Dhaweysay Soo Qabashada Seddax Nin Oo Dishay Ganacsade Caan Ka Ah Degmadaasi.

0

Ganacsatada degmada Xamarweyne ayaa soo dhaweysay qaabkii ciidamada Booliiska ay usoo qabteen Seddax nin oo ka dambeeyay dilka Seddax qof oo ka dambeysay dilka ganacsade caan ka ah degmadaasi.

Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Xamarweyne Cismaan Maxamed Cawaale, ayaa sheegay in tani ay muujinayso is xil qaamid  xaga wax ka qabashada dilalka ka dhaca Degmada.

Waxa uu sheegay sidoo kale in dadkaasi loo baahan yahay cadaaladda deg deg in loo horkeeno, isaga oo hay’adaha garsoorka ka dalbaday in la mariyo waajibka arintaasi u haboon.

“Hay’adaha garsoorka waxaan ka dalbaneenaa in nimankaasi manaxayaasha ah waajibkooda la marsiiyo, hadii aynu nahay ganacsatada degmada Xamarweyne, waxaana garab taagannahay ciidamada amaanka si looga hortago dadka falalkaan oo kale damacsan, anagane aad ayaan ugu faraxnay markii lasoo qabtay dadkii falkaasi ka dambeeyay” ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Xamarweyne

Shalay ayaa taliska Booliiska degmada Xamarweyne waxa ay soo bandhigeen Seddax Qof oo ka dambeeyay dilka ganacsade caan ah oo degmadaasi ku sugnaa, iyaga oo afkooda ka qirtay in falkaasi ay ka dambeeyeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso: