(Dhageyso) Howlgal Dad Lagu Qabtay Degmada B/xaawo Ee Gobolka Gedo.

0

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa waxay Saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen Howlgal Ballaaran Degmada Belad Xaawo ee Gobolka Gedo,waxaana Xabsi loo taxaabay tiro dad ah.

Howlgalka ayaa lagu xaqiijinayey Amaanka Degmada Buula Xaawo sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Dawlada ee Howlgalkaasi hogaaminayey.

Ciidanka ayaa la sheegay in Xabsiga utaxaabeen dad loo maleynayo inay katirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Degmada B/xaawo Cabduqaadir Cusmaan ayaa sheegay inay dadka qaar loo hayo inay dilal geysteen.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA MAS’UULKA UHADLAY MAAMULKA DEGMADA B/XAAWO: