(Dhageyso) Kulankii Baarlamanka Ee Maanta iyo Suu Udhacay.

0

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa dood dheer ka dib ogolaaday codsiga Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake u jeediyay kaasi oo ahaa in 10-Maamlmood ah la siiyo si uu u soo dhameystiro golaha Wasiirada.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhameystirayo golaha Wasiirada.oo uu gaarsiin doono 25 Wasiir, isla markaana inta ka dhiman Wasiirada uu soo dhameystiri doono mudo 10-Maalmood ah.

Waxa uu sheegay in markii uu arkay xaaladda dalka uu ku jiro iyo in miisaaniyadda dowladda aanay ku saleysneyn Wasaaraddaha 20-ka uu soo magacaabay ay qasab noqotay inuu 10 cisho dalbado si uu Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ku soo dhameystiro.

Dood dheer kaddib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod u qaaday codsiga Ra’iisul wasaaraha, waxaana ogolaatay 139 Xildhibaanad, waxa diiday 47 Xildhibaan, waxa ka aamusay 4 Xildhibaan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa laga sugayaa in Wasiirada magacaaban ee 20-ka ah, uu gaarsiiyo 25 Wasiir, isla markaana uu mudo 10-Maalmood ah ku soo magacaabo Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaasha kale.

Hoos Ka Dhageyso: