(Dhageyso) Maamulka Garoonka Aadan Cadde Oo Ka Hadlay Qaabka Uu u Shaqeyn Doono Terminalka Cusub.

0

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u shaqeyn doono Terminalka cusub ee dhawaan laga hir geliyay garoonkaasi.

Maxamuud Faarax Cigaal oo ah ku simaha maareeyaha garoonkaasi oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in qaabka hadda loo dhisay Terminalka cusub uu yahay mid la jaan qaadi kara kuwa dalalka caalamka.

Waxa uu sheegay in gaba gaba uu marayo dhismaha Taawarka loogu tala galay in lagu maamulo garoonka iyo hawada Soomaliya, islamarkaana howshaasi dhawaan ay dhamaan doonto.

“Sidaad ogtahay garoonkaan caalamiga ah ee Aadan Cabduule Cismaan waxaa la dhisay 1964 ilaa waqtigaasi wax lagu kordhiyay waxaa ka jirtay dhabaha diyaaradda oo gadaal loo yara durjiyay xagga Jaziira, intii ka dambeysay waxa weeye garoonkaan wax howl ah oo laga qabto ma aysan jirin, wixii noo dhisnaa oo isticmaali jirnay waxa uu ahaa 64-tii garoonkii uu talyaaniga dhisay, hase yeeshee Terminalka cusub ee la dhisay waxa uu u qeybsan yahay 5, qeyb waxa weeye dadka dalka soo galaaya, Qeybta Labaad oo ah dadka baxaya oo aadaya dalalka caalmiga ah oo dhan, qeybta Sedaxaad waxa weeye, dadka ka imaanaya gobalada, qeybta Afaraad waxa weeye dadka gobalada u safraya ay ka baxayaan, Qeybta Shanaad waxaa weeye qeybta alaabaha soo dagaya halka ay soo maraan” ayuu yiri Maxamuud Faarax Cigaal.

Qaabka loo dhisay Terminalka ayuu ku sheegay in uu sahlayo in dadka ay deg deg ku raacaan diyaaradaha, islamarkaana isaga oo dhan uu yahay mid u shaqeynaya qaab casri ah oo wax walba lagu ogaan doono, una dhanyihiin wax walba oo garoon caalami ah leeyahay.

Dhanka kale qeybtaan cusub ee lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayuu sheegay in uu leeyahay qalabka ogeysiinta oo muhiim ah, sida diyaaradaha soo degaya ama kuwa kacaya.

“Waxa uu leeyahay qalab casri ah oo diyaaradaha tii soo dagaysa iyo tii kacaysa sheegaya oo leh, diyaarad hebel ayaa soo dagaysa rakaab hebel ha diyaar garoowo, waxaa intaa dheer oo uu leeyahay qeybihii caafimaadka iyo  Immigration” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamuud Faarax Cigaal.

Madaxweynaha dalka Turkiga oo shalay safar ku yimid magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray Terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Halkaan Hoose ka dhageyso: