Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh "Soomaaliya Waa Cusub u Baryay".

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kasoo degay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay u tahay shacabka Soomaaliyeed maalin qiimo badan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay aad u xusuusan yihiin kaalinta wanaagsan ee dowladda Turkiga ka ciyaartay horumarka dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Walaalkeey Recep Tayyip Erdogan, waxaan leeyahay kusoo dhawoow dalkaagi iyo dadkiigii Soomaaliyeed, maanta waa maalin weyn oo taariikhda Soomaaliya iyo mustaqbalka mar walba ka muuqan doonto oo lagu xusi doono, aad ayaan ugu faraxsanahay Taariikhdaasi cusub oo Soomaaliya sameynayso in aad adigana qeyb ka tahay, Jamhuuriyadda Turkiga iyo shacabkuna qeyb ka yihiin, imaatinkaagi hore ee kan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya wax weyn ayaa u dhaxeeya, horumarkaasi waxaa qeyb weyn oo aad u balaaran ku leh adiga, dowladda Turkiga iyo shacabka Turkiga, shacabka Soomaaliduna mar walba wey idiin hayn doonaan abaalkaasi, sida aad tiri Tareminalkaan waxa uu wax weyn ka bedalay muuqaalka, wejiga, Sumcadda iyo muraalka dadka Soomaaliyeed intaba, kan kaliya maahan iyo mashaariicda kale oo aadka u balaaran oo dowladda Turkiga iyo shirkada maalgashiga turkiga ay dalkaan ka qabteen intaba waa cusub oo Soomaaliya u baryay ayeey abuureen, mar kale mudane Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxaan idiin leenahay soo dhawaada oo kusoo dhawaada dalkiina Soomaaliya, aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadaba madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu maanta xariga ka jari doonaa Isbitaalkii Digfeer oo dib u habeyn casri ah lagu sameeyay.

Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa lagu qaban doonaa munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayo Erdogan sidoo kale waxaa jiri doona heshiisyo cusub oo Labada dowladood kala saxiixan doonaan.

Halkan Hoose Ka Dhageyso

dag