(Dhageyso) Maxkamada Garowe oo xukuntay dhalinyaro falal amni-daro lagu eedeeyay.

0

Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobalka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa Lix dhalinyaro ah ku riday xukunno kala duwan oo xarig ah Kadib howlgalo ay ka sameeyeen ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi. 

Dhallinyaradaani la xukumay oo gaarayay 27-qof oo ciidanku gacanta kusoo dhigeen ayaa lagu eedeeyay inay falal burcadnimo ah ka gaysteen habeenadii ugu danbeeyay magaalada Garowe.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee mamulka Puntland Cabdinuur Jaamac ayaa ku dhawaaqay xukunka,Waxaa lagu riday xarrig u dhaxeeya lix bilood ilaa labo sano, sidoo kale waxaa dib maxkamaddu u dhigtay dhagaysiga dacwada kale.
 
Xukunka Maxkamada ayaa waxaa soo dhaweeyay Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal Axmed Cabdilaahi Samatar wuxuna sheegay inay ka qayb qaadanayso adkaynta amniga Gobalka iyo sidii looga baaqsan lahaa kooxaha dhalinyarada ah ee dadka moobilada habeenkii ka furta.

Ciidanka ayaa xalay oo ugu danbaysay howlgalo ka sameeyay magalada Garowe, iyadoona ay soo dhaweeyeen shacabka kuwaasoo tilmaamay inay ka nasan doonaan dhibaatooyinkii dhalinyarada xiliyada habeenkii ay samayn jireen..

Hoos Ka Dhageyso: