(Dhageyso) Muungaab oo Baarlamaanka ka codsaday ansixinta Xukuumadda cusub.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay ansixiyaan Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Raysal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in aan loo dulqaadan karin in dalka uu sii ahaado Xukuumad la’aan islamarkaana ay muhiim tahay in Baarlamaanka ay si shuruud la’aan ah ku ansixiyaan Xukuumadda cusub.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir General Muungaab ayaa sidoo kale ka hadlay waxa uu ka rajeynayo Xukuumada Cusub, isaga oo sheegay in dhalinyarada cusub ee Wasiirada laga dhigay ay la imaan doonaan waxqabad muuqda oo ka duwan Xukuumadihii hore.
Raysal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta lagu wadaa inuu Baarlamaanka horgeeyo Golihiisa Wasiirada Cusub iyo Barnaamijka Xukuumada.

Hoos Ka Dhageyso: