(Dhageyso) Naafada Ku Nool Garbahaareey Oo Codsaday Gurmad Raashiin.

0

Dadka curyaamiinta ah ee ku dhaqan degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa dalbaday gurmad deg deg ah in lala soo gaaro ka dib xaalado adag oo dhanka nolosha ah oo soo wajahay.

Mid ka mid ah naafadaasi ayaa sheegay  in dadkaan naafada ah ay u badan yihiin dadkii ku waxyeeloobay dagaalkii 1977, waxaana ay sheegeen in aysan haysan cunno ku filan iyo dawooyin intaba.

Tiro ahaan ayuu shaqsigaan ku sheegay in yihiin 140 islamarkaana ay jiraan dad kale oo jira tuulooyin ku dhaw degmadaasi.

Dadka naafada ah ayaa isugu jira Haween iyo rag intaba, waxaana wal wal uu ka muujiyay nolosha ay xilligaan ku jiraan.

Waxa ay dadkaan naafadda ah ay ka codsadeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah in ay lasoo gaaraan gurmad caafimaad iyo raashiin intaba.

Halkaan Hoose ka dhageyso: