(Dhageyso) Professor Yaxye Sheekh Caamir “Mashaariicda Cusub Ee Turkiga Dad Badan Ayaa Shaqo Ka Helaya”

0

Professor Yaxye Sheekh Caamir oo ah dhaqaale yahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in mashaariicda hormarineed ee turkiga ay fursado shaqo u tahay dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan arinta ku aadan dhismaha guryahay cusub.

Waxa uu sheegay in sidoo kale tani ay ka dhigan tahay tartan suuqa ah oo Soomaaliya ka furmayo, Turkigana uu mashaariicda u bixinayo qaab ka duwan sida ay u bixiyaan qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Dowladda Turkiga ayuu sheegay in Soomaaliya qorshe fog ka leeyihiin maadaama Soomaaliya ay isku xiri karto Afrika iyo ASIA iyagana  ASIA iyo Yurub isku xiraan.

“Turkiga waxay doonayaan in aan looga hormarin tartan xoogan oo jira, dalal badan oo Soomaaliya qarash intaan ka badan siiya wey jiraan, laakiinse waxay yiraahdaan tababaro ayaan ku bixinay, simanaar ayaan ku dhiibnay ama wax la mid ah, laakiinse Turkiga waxay qarashka ku bixiyaan wax muuqda oo cad, dadka dan yarta ah ka faa’ideysan karaan”

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic aad u badan waxay ka sameeysay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha dalkaasi shalay uu ku dhawaaqay mashaariic kale oo dhawaan la fulin doono.

Halkaan Hoose ka dhageyso: