(Dhageyso) Puntland oo ka digtay hub Somaliland ay qabatay in Shabaab uu ugacan galo.

0

Wasiirka Ammniga Maamulka Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa ka hadlay hub dhowaan Somaliland ku qabatay Markab agab laga dajinaayay oo kusoo xirtay dekadda Berbera kaasoo la yiraahdo MV Shakir.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore wuxuu sheegay in hubkaasi uu carqalad iyo amnidaro ku keenaayo deeganada Soomaalida,islamarkaana Puntland ay arintaasi ka digeyso.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in dowladdda Federaalka, dowladaha deriska ah iyo Beesha Caalamka ay ku wargelinayaan in hubkaas uu yahay mid qatar ah, isla markaana ay ka digayaan inuu u gacan galo Al-Shabaab.
Mr Alloore wuxuu kaloo tilmaamay inay walaac ka qabaan in Shabaabka ku dhuumaaleysanaya Buuraha Gal-gala uu gacanta u galo hubkaasi.
Lama garanaayo halka Soomaaliland ay geysay hubka lagu qabtay Markab shinxnad looga dejinaayay Magaalada Ber-bera oo hubkaasi lagu qabtay.

Hoos Ka Dhageyso: