(Dhageyso) Salaad Cali Jelle “Ma Filayo In Lasoo Celiyo Arin Ay Baarlamaanka Ka Digeen”

0

Salaad Cali Jeele oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaankii KMG ayaa sheegay in shaqsi ahaan uusan ka fileyn madaxda dowladda in dib ay usoo laabato arin ay horay xiildhibaanada uga digeen oo ku aadan soo magacaabista wasiirada.

Waxa uu sheegay in markii horeba loola laabtay wasiirada in baarlamaanka cod laga helo, lana soo dhiso wax ay iyagu ku qanacsanyihiin danna u ah umadda Soomaaliyeed.

“Baarlamaanka Codkiisa in la helo ayaa loola noqday markii hore ma filaayo in lasoo celiyo arin ay Baarlamaanka ka digeen” ayuu yiri Salaad Cai Jeelle.

Dhanka kale Salaad Cali Jeelle ayaa soo hadal qaaday arinta ku aadan sida ay dowladda Federaalka uga faa’ideysan karto mashaariicda hormarineed iyo taageeradda dowladda Turkiga.

“Turkiga isaga ayaa shacabka Soomaaliyeed si rasmi ah oo bareer ah u garab taagan, laakiinse iima muuqato dowlad ka faa’ideysan karto maxaa yeelay iyadii ayaaba mar walba isku mashquulsan” ayuu hadalkiisa ku daray Salaad Cali Jelle.

Shalay Magaalada Muqdisho kulamo kala duwan ay ku yeesheen Kutlooyinka ka dhisan Baarlamaanka Soomaaliya waxay sheegeen in aysan codka kalsoonida ah siin doonin xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisul wasaare Cumar, hadii ay ka dhex muuqdaan wasiiro ay ka digeen in lasoo celiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso: