(Dhageyso) Saraakiisha dowladda oo ka hadlay dhibaatada Raaskambooni ee Kismaayo(Wareysi murugo badan)

0

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobalada Jubbooyinka ayaa aad u cambaareeyay falalka gurracan ee uu Kismaayo ka wada maamul beeleedka horjooge Axmed Madoobe.

Col. Cabdiwahaab Cismaan ayaa u sheegay shabakadda Allgalgaduud in dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ay ku wargalinayaan in Kismaayo ay ka socdaan dhibaatooyin lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee deegaankaasi.

Wuxuu tilmaamay in Raaskambooni ay sameysteen xabsiyo gooni ah oo ay ku xir xiraan dadka shacabka ah waxaana hadda la la’yahay dad badan oo isugu jira rag iyo dumar.

Dadka la la’ yahay waxaa ka mid ah gabdho aan qaan gaarin oo mararka qaar dhacda in iyagoo la kufsaday, la jirdilay oo si xun loola dhaqmay meydadkooda laga helo xeebta Kismaayo oo noqotay kawaanka dadka birimageedada ah.

Korneelka ayaa sheegay in Horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu isaga amray  in la dilo, la dhaco, la boobo, lana fara xumeeyo qofkii ka soo horjeestaa maamul beeleedka Kismaayo.

Halkan ka dhageyso: