(Dhageyso) Shacab Cabasho Ka Muujiyay Maamulka Degmada Kaaraan.

0

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan ayaa ka cabanaya maamulka degmadaasi ka dib markii ay sheegeen in lagu soo rogay lacag aysan awoodin.

Dadkaan qaarkood ayaa sheegay in maamulka degmadaasi uu ka dalbaday lacag ay sheegeen in wadooyinka lagu hagaajinayo, taasi oo qiimo ahaan aad u badan.

Markii ay u sheegeen sheegeen maamulka in qarashka aysan awoodin waxay sheegeen in dadka qaarkood xabsiga loo taxaabay.

“Xoolo marka aad haysato ayaa wax bixin kartaa, qof aan caawa dab shidan karin, ama agoon haysato maxay lacag ah oo bixin kartaa” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegtay mid ka mid ah haweenka ku dhaqan degmadaasi.

Intaas ka dib xiriir aynu la sameynay gudoomiyaha degmada Kaaran ayeysan suurta gelin in uu telfoonka ka jawaabo si aan wax uga weydiino cabashada ay jeedidanayaan dadka deegaanka iyo sida ay wax u jiraan.

Halkaan Hoose ka dhageyso: