(Dhageyso) Somaliland oo u digay dhalin falal amaadari ku wada Maamulkoodda.

0

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Max’ed Waran-cade ayaa sheegay inay jiraan dhalinyaro is abaabulay oo falal amaandari ka wada deegaanada maamulka Somaliland,isagoona arintaasi uga digay dhalintaasi. 

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan ka qaadin doonaan dhalinyaradaasi iyaga iyo waalidiintooda hadii ay ka baaqdsan waayaan falalka amaandari ay ka wadaan deegaanada Somaliland.

Ciidamada amaanka ayuu tilmaamay Waran-cade inay ka hortagaan cid kasta oo caqabad ku ah amaanka iyo deganaashaha deegaanada maamulka Somaliland,isagoona waalidiinta dhalinyarada farta ku godan tahay ugu baaqay inay ka joojiyaan carruurtooda falalka ay gacmaha kula jiraan hadii kalena ugu goodiyay in iyaga iyo carruurtoodaba sharciga lala tiigsan doono.

Sidoo kale,wasiirka wasaarada arimaha gudaha maamulka Somaliland ayaa Shacabka Somalilan siday u dhan yihiin ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si loo sugo nabad galyada deegaanada loogana hortago dadka fara ku tiriska ah ee falalka amaandari wada,sida uu hadalka u dhigay –

Hoos Ka Dhageyso: