(Dhageyso) Suldan Beyle" Haddii Guddiga Farsamada Iman Waayaan, Anaga Ayaa Dhisanaynayna Maamulka Gobolada Dhexe"

0

Odayaal ku sugan magaalada Caddaado ee gobolka Galgaduud halkaasi oo dowladda Soomaaliya u asteysey in uu ka dhoco shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe ayaa sheegey in guddigii farsamada ay muddo 7 bilood ku suganyihiin Muqdisho.

Suldaan Beyle ayaa sheegey in dulqaadkii uu ka dhamaaday “Guddigii la dhisey Xamar ayay fadhiyaan, haddii ay iman waayaan meel uma fadhineyno, anaga ayaa dowladda dhisanayna, anaga ayaa hoggaankii dhaqanka carrada u ah, oo dadka dowladnimadiisa iyo wanaagiisa rabnaa, Gudiga farsamada haddaysan ku iman muddo degdeg ah, guddi farsamo ayaan samaysanaynaa”

Wuxuuse Suldaanka ammaanay 4 xubnood oo ka mid ah guddiga oo ku sugan magaalada Caddaado, kuwaasi oo uu sheegey in ay hawlo badan qabteen.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay arrinka muranka ka taaganyahay ee madasha shirka lagu qabanayo ayuu yiri “Meesha shirka lagu qabanayo micno ma leh, ama Caddaado shirka ha lagu qabto ama Dhuusamareeb ha lagu qabto, in la heshiiyo ayaa macno leh, dadkana waa heshiiyey, Xeeraale waa ku heshiiyeen, Sacad iyo Saleebaan waa heshiiyaan, Mareexaan iyo Saleebaaba maantaa la dhameeyey, hadana waxaa loo gudbayaa Dhuusamareeb Ceerka degen in lala heshiiyo, meel kasta oo gobolada dhexe oo uu dagaal ka jiro waxaan qaadanay in aan heshiisiino dadkeena”.

Dhanka dib u heshiisiinta ayuu sheegey in ay hawlo badan ka qabteen iyaga oo aysan jirin cid ka kaalmeysey “anaga ma sugeyno hey’ad iyo cid kale toona, anaga ayaa hawsha qabsanayna oo dadkeena heshiisiineyna, mar haddii aan heshiiney miyaa la’isku kaaya dirayaa, dib u heshiisiinta dambe maxay tahay?” ayuu is weeydiiyey.

Hoos Ka Dhageyso: