Dhageyso VOA: Xildhibaanno diidan inay aqbalaan wasiirada cusub ee xukuumadda RW Sharmaarke

0

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow oo Kulanka ka dib la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in ay Tiro ahaan gaarayaan 122 Xildhibaan islamarkaana Ujeedka kulan koodu uu ahaa in ay qaadacaan Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Xalay sameeyay.

Xildhibaan Cabdi Axmed ayaa ku sababeeyay Arrinta  in Ra’iisul Wasaare Sharmaake uu uga baxay Xildhibaanada Balan ay horay uwada galeen oo aheyd in Golle loo dhanyahay  uu soo Magacaabo iyo in Shaqsiyaad Xukumaddii hore in la rido Sabab u ahaa laga reebo.

“Wax isbadalay ma leh Wasiiraddii hore ee Fashilmay ayaa la keenay,C/wali Sheikh Axmed ayaa ka maqan oo kaliya,Ra’iisul Wasaaraha hadii uu balanta nooga baxay anagana waan uga baxeynaa oo Ma ansixin doono Xukumaddisa”ayuu yiri Dhuxuloow.

Xalay ayaa Ra’iisul Wasaare Sharmaake uu soo magacaabay ilaa 60 Wasiir oo ka tirsan Xukumadda Cusub,iyadoona ay Caqabad ku noqoneyso Xildhibaanadaan shaaciyay in ay ka soo horjeedaan Magacaabista.

Halkaan Hoose ka dhageyso