(Dhageyso) War Cusub:- Galmudug Oo Ganaaxaysa Gaadiidka Wata Taarigada Puntland.

0

Taliyaha ciidanka nabadgalyada waddooyinka maamulka Galmudug Gaashaanle Maxamuud Maxamed Cabdulle (Tarrax) ayaa warbaahinta u sheegay in maanta oo Talaada ah laga bilaabo ay xirayaan gaadiidka sita taargada Puntland ee lagu arkay Koonfurta gaalkacyo ama Galmadug

Waxaa uu uga digay wadayaasha gaadiidka in ay amarka jebin oo ay sida ay u fareen u qaataan.

“Waxaan ka codsanayaa dadweynaha reer Galmudug, baabuurta ay ku xirantahay taargada Puntland barito subax laga bilaabo, gaarigii aan ku qabano waa 30 doolar oo ganaax ah, darawalkana waan xireynaa, 24 saac ayuu xirnaanayaa, taas oo ah wareegto kasoo baxday dowladda Galmudug” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu ku amray in la qaato taargada Galmudug lagana raadsado wasaradda maaliyada Galmadug oo ah halka laga heli karo.

Marka loo eego Galmudug iyo Puntland waxay wada dagaan hal magaalo oo si u kala xiran hase ahatee arrinkan waxay ciriiri ku keneysa baaburta tagaasida iyo kuwa xamuulka qaaada ee magalada ka wada shaqeya.

Gaadiidka leh muraayadaha madoow ayuu sheegay haddii ay qabtaan inay ka qaadayaan lacag ganaax ah oo u dhiganta mida laga qaadayo baaburta ka imaaday Puntland.

Arrinkaan ayaa ku soo beegmay xili ciidanka ilaalada wadooyinka Galmudug ay waayadaan wadeen hawlo ku aadan kala hagida iyo baaritaanka gaadiidka isku kala goosha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Hoos Ka Dhageyso: