(Dhageyso) Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dowliga ah Oo Laga Xiray Xisaabaadkii Kaga Furnaa Xawaaladaha.

0

Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jicmcaale ayaa maanta sheegay in hormar weyn laga gaaray dhanka maamulka Miisaaniyadda dowladda u degan iyo sidoo kale dhaqankii lagu maamuli lahaa.

Sanadkii tagay ayuu sheegay in lagu guuleystay in wadanka lagu maamulo hab lagu ogaanayo daqliga iyo dhaq dhaqaaqiisa, lagala socon karo hal Xisaabaad oo ka furan Bangiga dhexe.

Waxa uu sheegay in habkaan uu wax badan soo kordhiyay, taasi oo ka mid ah in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa miisaaniyadda.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay Dr. Nuur Faarax Jicmcaale in ay ku guuleysteen in 90% ay xiraan xisaabaadkii wasaarahadaaha iyo hay’adaha kale ee dowliga uga furnaa shirkadaha Xawaaladaha, laguna soo wareejiyo bandhiga dhexe.

Sanadkaan socda ayuu sheegay in ay ku haminayaan in ay gaaraan hormaro kale oo ku aadan qaab Online ah oo lagu maamuli doono miisaaniyadda iyo qaraashaadka sidaasna ay kula socon doonaan, isaga oo tilmaamay in arintaan ay ka wada shaqeyn doonaan xafiiskooda, xisaabiyaha guud iyo wasaaradda maaliyadda.

Dhanka kale waxa uu sheegay in dhibaato ay ka haysato lacago aan lagu soo shubin qasnada dhexe oo aanay weli la socon dhaq dhaqaaqeeda, isaga oo ku baaqay in laamaha dowladda ay kala shaqeeyaan sidii lacagahaasi loogu soo shubi lahaa maamulka qasnada dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso: