(Dhageyso) Xildhibaan Xoosh “Sharciga Looga Hortagayo Tacaddiga Dadka Nugul Waxtar Badan Ayuu Leeyahay”

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay  in sharciga loogaga hortagayo tacadiga ay la kulmaan dadka Nugul sida Haweenka , Caruurta iyo dadka Naafada ah uu waxtar badan u leeyahay ilaalinta xuquuqda aadanaha .

Xildhibaanka ayaa sheegay intii dalka uu ku jiray burburka ay korortay waxyeelaynta aan dabagalka lahayn ee loo geysto dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in sharcigaan markii la sameenaayay aysan kaliya sameynin sharci yaqaanada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiga ah, balse ay wada tashi kala sameeyeen ururada bulshada rayid ah.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in sharcigaan dhawaan la ansixin doono, islamarkaana uu noqon doono mid dad badan ay ku faa’idaan, laguna dhowro xuquuqa dadka nugul.

Halkaan Hoose ka dhageyso.