(Dhageyso) Xildhibaano dalbaday in Sabtida la horkeeno Wasiirada Cusub.

0

Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hor Aqriyay Qoraal ay ku saxiixan yihiin 25-Xildhibaan oo doonaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu Wasiiradda Baarlamaanka hor keeno 31-ka Bishaan oo ku Aadan Maalinta Sabtida Soo socota. 

Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo kamid ah Xildhibaanadii qoraalka soo gudibayay ayaa Xildhibaanada ka hor Aqriyay  Qoraalka,waxaana ay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha looga baahan yahay in uu 31-Bishaan uu Wasiiradda Hor keeno Baarlamaanka islamarkaana  aysan jirin Sabab kale oo dib loogu dhigi karo.

Ra’isal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa todobaadkan gudihiisa soo Magacaabay 20-Wasiir oo ka mid noqonaya Golaha Wasiiradiisa Cusub waxa uuna sheegay in uu dib ka soo Magacaabayo Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha dhiman.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ra’isal Wasaare Cumar C/rashiid oo uu ku shaacinayo waqtiga rasmiga ah ee uu Baarlamaanka horgeynayo Golaha Wasirada Cusub..

Hoos Ka DHageyso COkda: