Dhageyso:Baarlamaanka oo cod u qaaday codsigii ka yimi R.wasaaraha ee ahaa in dib loogu dhigo ansixinta…

0

Xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  Cod u qaaday Codsigii Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo ahaa in la siiyo Mudo 10 Maalin ah oo uu ku soo dhameystiro Barnaamijka Xukumaddisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay Natiijada ka soo baxday Codeyntii  Baarlamaanka ay u qaadeen dalabka Ra’iisul Wasaare Sharmaake.

Xildhibaanada ayaa intooda badan Ogolaaday  Codsiga Ra’iisul Wasaaraha uu maanta ka dalbaday Baarlamaanka,waxaana Taageeray Go’aankaas 139 Mudane,waxaa Diiday 47- Xildhibaan,halka ay 4 kale ka Aamuseen.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Sharmaake laga ogolaaday Codsigii uu Maanta Baarlamaanka  ka horjeediyay oo ahaa in la siiyo Mudo  10 barri ah.

Halkan ka dhageyso: