Dhageyso:Baarlamaanka oo soo jeeday in xukuumadda cusub la horkeeno xildhibaanada maalinta Sabtida ah

0

Baarlamaanka Fadaralka ah ee Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in ay cod siinayaan golaha wasiirada xukuumadda cusub 31 bishan oo ku beegan maalinta sabtida ah ee fooda nagu soo heysa.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay hindise sharciyeedka hanta dhowrka guud ee Dowladda Soomaaliya,

Xildhibaan Cabdalle Xaaji Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in Baarlamaanka la hor keeno Xukuumadda Cusub maalinta sabtida ah ee fooda nagu soo heysa oo Taariiqdu tahay 31-ka bishan xiligaasi oo uu sheegay inay ku haboon tahay in codka kalsoonida ah loo qaado.

Halkan ka dhageyso: