Dhageyso:Faahfaahin dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Garbahaarey

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan G/Gedo,

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaalkan uu ka dhacay deegaano hoosyimaada Dagmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo halkaasi oo Duhurnimadii Maanta ay isku fara saareen Dagaalame-yaasha labada dhinac oo Qasaaro kala duwan uu kala gaaray,

Cabdulaahi Maxamed Abshir oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay qasaaro ku gaarsiiyeen dagaalka Xarakada Al shabaab oo uu tilmaamay in halkaasi kaga dileen 4-ruux halka uu sheegay inay dhaaweceen ilaa 3-ruux oo kale isla markaasina waxa uu xusay inay Gacanta ku hayaan 2-ruux oo dagaalka lagu soo qabtay sida uu hadalka u dhigay.

Halkan ka dhageyso codka