Dhageyso:Isbitaalka Ceelwaaq oo ay ka jirto dawo la'aan iyo bukaanada oo badan

0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka degan Tuulooyinka Buusaar , Cawsquran , Gerilley , towfiiq , Indho-ceyl iyo Daarasalaam oo dhamaantood hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo ayaa la sheegayaa in xiligani ay ka jirto baahi caafimaad oo aad u daran, iyadoo dadkuna ay u dhib qabaan sidii ay ku heli lahaayeen goobo caafimaad iyo daawooyin maadama tuulooyinkaasi gabi ahaanba aysan ka jirin wax adeeg caafimaad ah.

Dhibaatada ugu daran ee xilligani ay ka cabanayaan dadka degan Tuulooyinkaasi oo u badan xoolo dhaqato ayaa waxaa ugu daran Cuduro iyo xanuuno ay ka mid yihiin , Shubanka , Malaariyada , Jadeecada , Ofwareenka , Nafaqo darida iyo haweenka oo xilliga dhalmada la kulma dhibaatooyin.\

HALKAN KA DHAGEYSO: