Dhageyso:Xildhibaanno ku hanjabay inaysan ogalaan doonin 4 nin in lagu soo daro wasiirada xukuumadda cusub + BEELAHA

0

Xildhibaanada ku kala bahoobay Kutlada Badbaadinta Qaranka iyo Kutlada Toosinta Talada Qaranka ayaa Goor dhaw Kulamo kala gooni ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in aysan codka kalsoonida ah siin doonin xukuumadDa uu soo dhisayo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Hadii lagu soo daro wasiiro ay horay u diideen.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in ay ka war heleen in xubno ka mid ah wasiiradaasi dib loo soo celinayo, sidaa darteedna ay iyaguna u sheegayaan Ra’iisul wasaaraha in Kalsooni aanu u heli doonin xukuumadiisa hadii ay taasi dhacdo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xildhibaan Bishaar Ugaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Kudlooyinka midoobay ee baarlamaanka ay isku raaceen in afarta nin ee kala ah Faarax, Guuleed, Xalane iyo Sanbaloolshe aysan aqbali doonin haddii lagu soo daro wasiirada cusub.

Halkan ka dhageyso: