Dowladda Federaalka oo Muqdisho ku soo bandhigtay Zakariye Xirsi oo ALshabaab ahaa

0

Anigoo ah Zakriya Ismaaciil Xirsi – Zaki ku magac dheer. Maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Jan 2015 (Talaado), Sidaad la socotaanba waxaan ahaan jiray xubin ka tirsan ururka Alshabaab. Oo aan masuuliyado kale duwan oo aan ka soo qabtay hogaanka sare ee ururka.

Waxaan rabaa inaan ka hadlo arimo dhawr ah oo in muddo ah soo jiitamayay, oo uu Ilaahay (Caza Wa Jalla) maanta na waafajiyay.

Hadaan dib ugu noqdo ujeedooyinkii hore ee ururku ku bilowday, oo ahaa kuwo dad badan oo niyad wanaagsan soo jiidan karay. Laakiin nasiib darro, waxaa dhacday in laga leexday ujeedooyinkaas oo ay majarahabaabiyeen shaqsiyaad watay dano gaar ah oo gurracan, faragalin iyo aragti shisheeyana aysan ka marnayn.

Xaaladuna waxay ku danbaysay in:-
1- in laga beensheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xadgudub diineed.
2- Midnamadii iyo wada tashigii ururka oo meesha ka baxay.
3- Xariirkii bulshada oo xumaaday loona turi waayay.
4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo gaystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaaba.
5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado dhiigga muslimkana lagu xalaashaday.

Waxaa xaqiiqa ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanyahay rag fara kutiris ah oo hogaanka ururka kamid ah, waxaana jira dad badan oo an qabin arinkaas kuna qanacsanayn sida wax u socdaan.

Haddaba waxaan cadaynaayaa maanta wixii ka danbeeya in aan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, mabaadiidayda iyo fikirkayga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo isfaham; oo aan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xaliyo.

Waxaan ugu baaqayaa kuna dhiiri galinayaa ragga saaxibaday ah in si wadahadal iyo nabadgalyo ah wax lagau xaliyo maadaama uu ururkii ku yimid burbur iyo kala tag, anigana halkan waxaan u imid sidii aan arinkaa ooga howl gali lahaa.

Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinaayaa dawladda soomaaliyeed sida qadarinta iyo xushmada mudan ee ay noo soo dhaweeysay. Waxaa an aad ugu faraxsanahay in manta ay jirto Dawlad Somaliyeed oo sharciya oo danaynaysa xuquuqda dhamaan bulshada Somaliyeed.

Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin aragtida ay dadbadan oo ururka ka mid ahi aaminsan yihiin in dawladu ku xadgudubto xuquuqda muwaadinka, iyo in loo gacangeliyo gacan shisheeye