Dowladda Federaalka waxey soo dhoweyneysaa Zakariya diidmada uu iska diiday fikirka colaadaha ee Al-Shabaab iyo sida uu nabadda u qaatay

0

Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud, kan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo kan Dowladda Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta waxey soo dhoweyneysaa hadalka Zakariya oo uu ku cadeynayo inuu iska diiday fikirka qaldan ee colaadaha ee Al-Shabaab iyo sida uu nabadda u doorbiday una qaatay, tanoo ah talaabo geesinmo ah oo aan rajeyneyno inay horseed u noqoto in kuwa kalena ay tusaalihiisa soo raacaan oo ay nabada qaataan.

Zakariya ayaa kashifay fikirka guracan oo qaar ka mid ah madaxda Al-Shabaab oo si qalafsan u afduubeen oo ay fikirkooda qaldan iyo sida ay jihaadka u marin habaabiyeen oo ay shacabka dhiigiisa u baneysteen u soo bandhigay, tanoo aysan ka marneyn fikir shisheeye oo dhiiga shacabka baneystay.

Zaki ayaa ugu baaqay kuna dhiirigeliyey saaxiibadiis inay nabada doortaan oo ay ka soo tagaan kooxdan isagoo xusay in habka nabada lagu gaari karo ay tahay nabada iyo dib u heshiisiinta oo laga shaqeeyo.

Dowladda Federaalka waxey marwalba diyaar u ah inay gacan u fidiso dhamaan Soomaalida dooneysa inay nabad qaataan oo fahma inay ka tanaasulaan qaladaadkooda. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u ballanqaadeynaa inaan soo dhoweyneyno cid allaale iyo cidii nabada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed dooneysa. Sida uu Zakariya sheegeyna qilaaf walba oo dhexdeena jira waxaan ku xalin karnaa si nabad ah