Faah Faahin:-Shir Dib u Heshiisiin Ah Oo Maanta Ka Furmaya Degmada Dhuusa-mareeb+Dhageyso.

0

Maanta ayaa lagu wadaa in degmada Dhuusa-mareeb ee gobalka Gal-gaduud uu ka furmo shir uljeedkiisa lagu sheegay in uu yahay dib u heshiisiin, iyadoo halkaasi ay gaareen ergo badan oo ka qeyb galaysa shirkani.

Wararka aynu helnay waxay sheegayaan in degmadaasi ay gaareen in ka badan 200- oo ergo kuwaasi oo shirkaan ka qeyb galaya, kana kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka gobalkaasi.

Odayaal dhaqameed, iyo siyaasiin ayaa u badan xubnaha shirkaan ka qeyb galaya, waxaana la sheegay in lagu heshiisiin doono dhamaan beelaha wada dega gobalka Gal-gaduud.

Suldaan Cabdicasiis Cumar oo ka mid ah waxgaradka gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in shirkaan uu daba socdo shir nabadeed horay ay ugu qabteen degmada Cadaado, islamarkaana uu yahay mid dadka halkaasi wada dega ay iskooda isku soo abaabuleen.

Dhanka kale degmada Cadaado ayaa la filayaa in dhawaan uu ka furmo shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaasi oo qaban qaabadiisa muddo badan ay socotay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.