Faallo: Ciqaab wadareedka siyaasadda Soomaaliya W/Q: C/qaadir Dulyar

0

Wey dhacdaa waana wax  la filan karo  marka uu soo xirmo albaab kasta oo la isku fahmi karo,  mar hadii ay mudadaan danbe   Siyaasadda  Soomaalida  ragaadisay  is qabqabsi iyo is kooxeysi ka dhex abuurmay golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, ayna  soo baxeen  magacyo cusub, sida Kudalada Badbaadada Qaranka iyo  Isbaheysiga Toosinta  talada Qaranka, iyadoo xildhibaanada qaarna ay ku tilmaameen inta ka soo hartay Isbaheysiyadooda in ay u janjeeraan dhanka Madaxtooyada oo ah garab sadexaad.

 Sidoo kalena aan    horay u ogeyn in Xukuumadii la riday ee C/wali Sheekh ay iyana Golaha Wasiiradu ahaayeen laba garab oo kala taageersanaa Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha,inkastoo aad  moodo  in  xiligaa iskooxeysigii  abuurmay uu iminka u hana qaaday   si ka duwan sidii hore loo arki jiray.hadana lama hayo sharci u  diidaya  Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kaleba  in intii isku argti  ah ama danwadaag ahi ay  sameystaan wax ay ku mideysan yihiin.

Waxaase  xusid mudan in ay jiraan Xildhibaano kale oo ka aragti duwan labadaa Isbaheysi oo iyagu u arka  in ay Saaxiibadoodu  yihiin kuwa ka soo horjeeda haru socodka  Dowaladnimo, maadaama  bilihii   ugu  danbeyay uu dalku ahaa mid dhex muuquurtay is riix riix siyaasadeed oo gabi ahaan cuuryaamiyay  howlihii dalka loo qaban lahaa.

 Markase sheybaar lagu eego Kudladahaan  ka dhex abuurmay Baarlamaanka waxaa loo kala qaadi karaa laba qeybood , qeybi waa koox  ku midoowday difaacii  fashilmay ee Xukuumadii  hore  xiligii uu socday hardankii u dhexeeyay  Madaxweynaha iyo Reysalwasaarihii hore Md C/Wali Sheekh Axmed,  waana is garbintii ugu adkeyd ee uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh marka loo eego qilaafkii ka horeeyay  ee Xukuumadii Saacid.

  Kooxda kalena  waa  isku tag    ka abuurmay markii uu Reysalwasaare Sharma’arke ku  dhawaaqay Xukuumadiisii hore  ka dib markii in badan oo ka mid ah ay ku hungoobeen rajadii ay  ka qabeen in ay ka mid noqon doonaan, maadaama ay  qaar ka mid ahi wax ka soo rideen  Xukuumadii  ay Wasiirada ka ahaayeen ee C/wali Sheekh Axmed, waxaana iskaashiga labadaan garabi sababay in uu qal qal galiyo magacaabistii 1-aad ee Reysalwasaare Sharma’arke.

Markii  ay xam xamtu badatay  Xaalkuna cakirmay   Reysal wasaaruhu waxa uu  dib ula laabtay Xukuumadiisii  waxa uuna ka codsaday Baarlamaanka in ay siiyaan  muddo 14 cisho ah  si uu u soo magacaabo Xukuumad cusub.Waxaase sii laba lixaadsaday  dhaqdhaqaaqyada lagu gujeynayay  soo magacaabista Xukuumadda 2-aad si koox waliba u muujiso awoodeeda Siyaasadeed.

  Waxaana bilowday shirar joogta ah oo  hadalada   ka soo baxayaa ahaayeen  kuwa  taag taagan oo fariin u ah Reysal wasaaraha.waxeyse ugu  Carab  kululaayeen markii ay iyaga oo mideysan  soo saareen hadal oranaya in aan Xukuumadda lagu soo dari Karin 4 Wasiir oo ay  malaha tuhmayeen in ay hor boodi doonaan  Xukuumadda la soo wado maadaama ay  xulufo  dhow la yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waa xujo adag iyo caqabad kale oo ku soo korortay caqabadii hore ee sababay in dib loola laabto Wasiiradii hore,Inkastoo Reysal wasaaruhu dhagaha ka fureystay digniintaas , hadana waxaa ka hurdi waayay hadalkaa oo  ka jawaabay Madaxweyne Xasan sheikh oo sheegay in uusan marnaba ka ahaan doonin saaxiibadiisa Siyaasadeed maadaama sida hadalka u dhigay uu  kursiga   ku yimi Xisbi Siyaasadeed.

Dadka siyaasadda rog rogaa waxa ay leeyihiin Ma aheyn in Madaxweynuhu  uu u jawaabo Xildhibaano careysan oo uu weliba  ogyahay waxa ay ka careysan yihiin,balse waa ay dhacday taa, waxaana  mar kale bilowday  kuur kuursi iyo shirar iyo in wax la iska weydiiyo hadalka madaxweynaha,waxaase intii  ay Xildhibaanadu ku mashquul sanaayeen fasiraadii ay ka  bixin lahaayeen  hadalkaa, si kadisaa uga soo baxay Xaafiiska Reysalwasaaraha  Liiska Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 20 Xubnood.Waloow marka dhan laga eego la oran karo waa la aqbalay dalabkoodii ahaa in aan Wasiirada cusub  lagu soo darin 4-tii Wasiir ee bartilmaameedka u ahaa iyaga.

 Hadana dhanka kale ,  Magacaabista golahani waa uu ka duwan yahay wixii lagu xiiqayay ama lagu muransanaa maalmahaan,sidoo kale habka loo soo xulay waa ay   ka duwan tahay sidii loo soo xuli jiray Wasiiradii  hore ,Xiliga lagu dhawaaqayna waa uu ka duwan yahay xiliyadii lagu dhawaaqi jiray Xukuumadihii  ka horeeyay.

Waxaana  la hadal hayaa in uu Madaxweynuhu golahaan cusub ku leeyahay saaxiibo ka badan saaxiibadii hore ee loo diidanaa

 Markiise la shaaciayay  Magacaabistan waxaa waagu ku  baryay Xildhibaanadii Kudladaha abuuray, Wasiiradii  lexa jecladu kaga jirtay iyo Hor joogayaashii Qabaa’ilka oo  xiligaan oo kale galaan gal fara badan  ku yeelan jiray soo xulista Wasiirada, maadaama  ay shaxdu  ka timid halkii ay filayeen maahane   Jiho  aaney xisaabtaba ku darsan  in laga soo weerari doono  ama   lagala dabaaqtami doono.

Inkastoo dadka shacabka ahi  ay si aada u soo dhaweeyeen  doorkan wajiyada cusub iyo dhalinyarada  loo  soo xushay Golaha Xukuumada,hadana waa hubanti in aaney ku faraxsaneyn oo laga filan karo aargudasho siyaasadeed  Xildhibaanadii baryahaan guuxa waday iyo qaar ka mid ah Wasiiradii horeba, balse waxaa la oran karaa mar hadii  muranka xil raadintu batay waqtiguna gaaban yahay ,tani waa CIQAAB WADAREED SIYASADEED oo lagu abaal mariyay dhamaan dhinacyadii  gorgortanka waday.!!!

DH A M A A D

C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar]

Dulyar23@gmail.com

Muqdisho.Soomaaliya.