Hay'adda xuquuqda aadanaha ee QM oo ka deyrisay xaaladda nolosha meelo kamid ah Somalia

0

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW Human Rights Watch oo soo saartay maanta warbixinteedii sanadalaha ahaa ayaa kaga hadashay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya, iyadoo eedeymo u jeediyay dowladda Somalia, ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Warbixinta oo ka kooban 656-bog  ayay kaga hadashay HRW 90-waddan caalamka oo dhan ku yaalla, iyadoo dhinaca Soomaaliya sheegay in amni-darada ka jirta deegaannada ay ka taliso dowladda oo Muqdisho ay ku jirto, is-qab-qabsiyada iyo isku shaan-dheynta wasaaradaha dowladda ay hoos u dhigeen guulihii garsoorka laga gaaray iyo is-badeladii lagu sameyn lahaa waaxaha amniga dowladda.

Sidoo kale, HRW ayaa sheegtay in khilaafyada soo dhexgala mas’uuliyiinta dowladda FS ay caqabad ku noqdeen horumarradii lagu tallaabsaday oo ay dhinaca cadaaladda ku jirto iyo in ciidamada lagula xisaabtamo gabood-fallada ay geystaan.

Ciidamada amaanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayay HRW ay ku eedaysay in ay mas’uul ka yihiin weeraro aan kala sooc lahayn, taca-ddiyo galmo iyo qab-qabasho iyo xiritaano sharci-darro ah.

Dowladda Soomaaliya ayay hay’addu ku eedeysay inay si weyn ugu guul-darreysatay inay sugto ammaanka iyo xuquuqda aadanaha deegaannada ay ka taliso, gaar ahaan kuwii laga qabsaday Al-shabaab.

Warbixinta hay’adda ayaa qayb ka mid ah waxaa lagu xusay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM inay si khasab ah ku kufsadeen haween kala duwan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo xeryaha ay ku leeyihiin Muqdisho qaar ka mid ah u doontay cunno ay cunaan iyo dawo.

HRW waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay dadaalaadda siyaasadeed ee lagu doonayay in lagu sameeyo maamullo federaal ah ay meelaha qaar ka dhalinayaan dagaalo beeleed.

Al-shabaab ayay hay’addu ku sheegtay warbixinteeda in sannadkii 2014-ka ee lasoo dhaafay ay isaga baxeen magaalooyin badan kaddib markii ay ku weerareen ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.

Iyadoo HRW ay xustay in Al-shabaab ay weli gacanta ku hayso dhul badan oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka fuliyaan xukunno dil ah, garaac iyo xannibaadda xuquuqda asaasiga ah.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay xustay in Al-shabaab ay weerarro ay ku naf-waayeen dad badan ay ku qaadday goobaha ay dowladda Somalia ka taliso sida Muqdisho, iyagoo bar-tilmaameedsaday dad shacab ah oo ka mid yihiin xubnaha baarlamaanka iyo saraakiil kale oo kuwa dowladda ka tirsan.