Howlgallo laga billaabay deegaanka Balanbal iyo dad la soo qab-qabtay(Warbixin)

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Balanbal ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka bilowdeen maanta halkaasi.

Ciidamada Amaanka Magaalada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Tiro dad ah oo lala xariirinayo Falal Amaan daro oo ay damacsanaayeen in ay Degaankaasi ka geeystaan.

Gudoomiyaha  Magaalada Balanbal Hareeri Xirsi  Barre  ayaa sheegay in Howlgall Ciidamada ay ka fuliyeen Xaafadaha Magaaladaasi lagu soo qab qabtay Dad gaaraya ilaa 7 Ruux,waxaana uu Xusay in Shan kamid ah ay ahaayeen kuwo Xiliyada Habeynkii ah Dadka dhac u geeysan jiray.

Sidoo kale  Gudoomiye Hareeri ayaa sheegay in ay jiraan Dad kale oo laal xariirinayo Al-shabaab oo Ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen islamarkaana Xabsiga la dhigay.

Hareeri ayaa tilmaamay in dhaqdhaqaaqyadan ay ciidamada ka billaabeen deegaanka Balanbal ay ku sugi doonaan amniga deegaankaasi.