Jawaari “Dastuurka dalka u yaallo ma ahan KMG, ee Ansixintiisii ayaa KMG ah”

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in dastuurka dalka u yaalla aanay aheyn KMG, isagoo xusay in dad badan ay wax isaga qaldan yihiin.

Prof. Jawaari oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ahaa in Dastuurka uu yahay KMG iyo in kale ayuu ugu jawaabay in Dastuurka aanu KMG aheyn.

“Dastuurka dalka u yaalla ma ahan mid KMG ah, ee Ansixintii ay ansixiyeen Ergooyinka ayaa KMG aheyd, marka dadka wax badan ayaa isaga qaldan waa Dastuurka sida KMG ah loo ansixiyay”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in dadka ay ogaadaan in dalku uu leeyahay Dastuur aan KMG aheyn.

Dad badan ayaa aaminsan in dastuurka dalka u yaala ay waxyaabo badan ka qaldan yihiin, isla markaana marar badan lagu dhawaaqay in dib u habeyn lagu sameynayo.

Qorshaha sanadkan 2015 ayaa ah in afti dadweyne loo qaado Dastuurka uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka in ansixintiisa ay aheyd KMG, waxaana taas ay u baahan tahay in dowladdu ay xaqiijiso ammaanka guud ee dalka, si ay ku suura gasho afti dadweyne.