Kay ''Waan soo dhoweynayaa golaha wasiirada cusub ee lagu dhawaaqay Soomaaliya''

0

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay magacaabista Golaha Wasiirrada cusub ee Soomaaliya.

Danjire Nicklas kay ayaa talaabo muhim ah oo horay loo qaaday ku tilmaamay dhismaha Gollaha Wasiirada cusub ee soomaaliya oo27kii bishaan uu ku dhawaaqay Raysal-wasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma,ake

Wuxuu xusay isla marka uu baarlamaanka meelmariyo wasiirrada cusub in laga doonayo inay si degdeg ah wax uga qabtaan arrimaha qaranka ee degdegga ah iyo dhismaha nabadda, maadaama ay howlo badan ka harsan yihiin qorshaha hiigsiga sanadka 2016.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjiraha ayaa lagu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo ansixinta iyo dhismaha Golaha Madaxa-bannaan ee dib u eegista ku sameynaya dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyadoo sidoo kale lagu xusay in loo baahan yahay bilaha iyo maalmaha soo socda in la dhaqangeliyo dib-u-heshiisiin.

Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo qarannimada Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjire Nicholas Kay.