Madaxweynaha dowladda Federaalka oo fariin bogaadin ah u diray shacabka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha: “Waan ku bogaadinayaa shacabka gacanta weyn ee ay ka geysteen suuragelinta socdaalkii Madaxweynaha Turkiga”

Mogadishu 26 January 2015 : Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadin u direy shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadweynaha magaalada Muqdisho kaalintii ay ka qaateen soo dhoweyntii iyo suuragelinta booqashadii taariikhiga ahayd ee shaley Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku yimid Soomaaliya.

”Aad baan shacabka Muqdisho ugu bogaadinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen ciidammada amniga, si loo xaqiijiyo booqashada Madaxweyne Erdogan oo runtii ahayd booqasho qiimo weyn ugu fadhida shacabka dalkeena oo idil”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka ku bogaadiyey dulqaadka ay muujiyeen muddadii ay socotey qabanqaabada iyo booqashada wafdiga Turkiga. ”Waan dareemayaa culeyska aad kala kulanteen socdaalkan,Waxaa istaagey ganacsigiina, waxaa yaraadey dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka, waana talaabo bogaadin mudan sida aad ugu dhabar adaygteen xaaladdaasi, maadaama ujeeddada aan ka lahayn ay ahayd in danta dalkeena aan ku gaarno, isla markaana aan caalamka tusno inaan awoodno inaan madax sare dalkeena ku soo dhoweyn karno.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada dal ka sokow ay jiri doonaan heshisyo kale oo dhowaan la saxiixi doono, kuwaas oo ka koobaan mashaariic kale oo horumarineed oo laga fulinayo Soomaaliya oo dhan.

”Labada dal waxay dhisan doonaan guddiyo iskaashi oo ka shaqeynaya hirgelinta mashaariic kale, iyadoo dhanka kalena Madaxweyne Erdogan uu ii balanqaaadey in la dhammeystiri doono dhismaha hay’adaha dowliga, dowladda Turkigana ay si buuxda u maalgelin doonto”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadin u jeediyey ciidammada amniga oo uu sheegay inay qabteen hawl adag oo lagu faani karo oo xitaa ay qirteen wafdigii Turkiga ee uu horkacayey Madaxweyne Erdogan.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha shirka jaraa’iid ee uu qabtey ku xusey in la soo dhisi doono xukuumad loo dhan yahay , isaga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke ay ka go’an tahay inay taasi xaqiijiyaan.

”Dhowaan shacabka waxay maqli doonaan war ay ku farxaan oo la xiriira dhismaha Golaha Wasiirada. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu wadaa dadaal farabadan si hawshan ay u qabsoonto. Waxaana xusid mudan in la tixgeliyo nidaamka awood qeybsiga beelaha ee dowladdeena ku dhisan tahay, iyo weliba kutladaha siyaasadeed ee baarlamanka, lana muujiyo tanaasul, iyadoo danta dalka la eegayo”.

DHAMMAAD