Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika (Warsaxaafadeed).

0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono kulan madaxeedka Midowga Afrika.

Maadaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka ayaa shirka Midowga Afrika ka sokow la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Afrika qaarkood, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo diblomaasiyiin kale oo shirka ka qeybgalaya.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia ka dhacayaa ayaa la filayaa in lagu lafaguri doono arrimo badan oo qaaradda khuseeya.

Daud Aweis 
Afhayeenka Madaxtooyada 
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.