Madaxweyne ku xigeenka Khaatuma oo sheegay inay qabsan doonaan deegaanada ka maqan gacantooda

0

 Madaxwayne ku Xigeenka Dawlad goboleedka Khaatumo State Mudane Cabdul Cagolule ayaa Munasaasibad Lagu Xusasayey Sanadguurada 3-aad ee maamulka khaatumo Wuxuu Qudbad Ujeediyey Boqolaal dadwayne ah, Ciidamada Qalabka Sida iyo waxgarad kala duwan.

Madaxawyane Ku xigeenka ayaa wuxuu sheegay in Dawlada Khaatumo ay waxa badan u qabsoomeen, Sidoo kalana wuxuu sheegay in Sanadkaan Sanadkiisu uu fogyahay, Hasayeeshee Xili aan Fogayn ay ciidamda iyo Maamulku dhex muuqaan Doonaan magaalo Madaxda khaatumo ee laascaanood.

Geesta kale wuxuu sheegay Madaxwayne ku xigeenka Inaan Bulshada Khaatumo ahayn kuwo u taagan Dulmi,. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Habacsanaanta ka muuqata qaarkamida Bulshada oo loo baahan yahay in Xilayada Halganka muujiyaan Midnimo iyo dhabar Adayg.