Madaxweyne Shariif Xasan oo sheegay in ahmiyad fiican ay u leedahay heshiiska Biyomaal iyo Habar-gedir

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlay heshiis shalay degmada Afgooye ay ku kala saxiixdeen Laba beel oo muddo ku dagaalamayay gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay in heshiiskani uu dan u yahay dhamaan shacabka degan gobalada Seddaxda ee uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha mar uu hadal ka jeedinayay gaba gabada shirkaan in heshiiska aanu cid gaar ah dan u ahayn, balse ay ku wada nafisayaan dhamaan shacabka ku dhaqan gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Beelaha heshiiska kala saxiixday waxa uu ku adkeeyay in ay fuliyaan heshiiskaan, kana dhabeeyaan wixii ay ku heshiiyeen ee ay kala saxiixdeen.

Shariif Xasan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u sheegay in dhankeeda looga baahan yahay kala qeybqaadashada fulinta howlahaan, maadaama heshiis la dhex dhigay beelo muddo ku dagaalamayay gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay markaan in ay u istaagaan sidii ay maamulkooda ula shaqeyn lahaayeen, islamarkaana loo bilaabi lahaa dib u dhiska iyo ka shaqeynta nabadda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay isku keenidda iyo wada hadal u furidda beelo ku dagaalamayay muddo badan gobalka Shabeelaha Hoose, kuwaa oo shalay heshiish ku kala saxiixday degmada Afgooye.