Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeyb Galay Shir Looga Hadlayay Dagaalka Koonfurta Sudan (Warsaxaafadeed)

0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Kulankan aan caadiga ahayn ee madaxda IGAD oo ahaa kii 29aad, ayaa waxaa si weyn looga hadlayey sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Jamhuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Dagaalka ka socda Koonfuurta Suudaan ayaa u dhexeeya Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore Riek Machar. Waxaana uu bilowdey bishii December sannadki 2013kii.
Madaxda waddamada IGAD ayaa gebagabadii kulankaasi muhiimka ah go’aansadey in dib la isugu soo laabto maalinta Sabtida oo la filayo in natiijooyin ay ka soo baxaan.

Labada nin ee is haya, Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo Riek Machar ayaa kulan madaxeedkaasi ka hor kulan fool ka fool ah uu dhexmarey.
Shir madaxeedkan IGAD ayaa ka mid ah shirarka barbar socda kulan madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo dhacaya 30-31 bishan.

DHAMMAAD 
Daud Aweis 
Afhayeenka Madaxtooyada 
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.