Mareynkanka oo xukun sanado ah ku riday Saynisyahan.

0

Saynisyan hore oo ka shaqeynayay xarunta barista Los Alamos ee dalka Mareynkanka ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah ka dib eedeyn ugu timid isku day uu ku doonayay in si qarsoodi sameynta Bamka nuclear ugu gudbin rabay Venezuela. 

Pedro Leonardo Mascheroni ayaa qirtay danbiga lagu soo eedeeyay sanadkii 2013,isagoona sheegay in inuu gudbin rabay sirtaasi laakiin FBI-da Mareynkanka ay ka hor istaagtay.

Pedro Mascheroni, oo hada 79-sano jir ah ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Argentina.

Sidoo kale,xaaska ninkaan Saynisyahka ah ayaa sidoo kale lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

Mr Mascheroni,ayaa baaritaano ku socday mudo hal sano ah ka hor intaan Maxkamad la soo taagin,Dowlada Mareynkanka ay sheegtay.

Hay’ada sirdoonka Mareynkanka iyo FBI-da Mareynkanka ayaa ninkaan gurigiisa ka helay computer,waraaqo,sawiro iyo waliba Book cadeynayo in ninkaan arintaan qarsoodida ah gacanta kula jiray..