Muungaab oo xalay qaabilay masuuliyiin Turki ah (Daawo Sawirada)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay xafiiskiisa Degmada Heliwaa masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ka howlgala.

Xaflad lagu qabtay xarunta Dowladda hoose ee Degmada Heliwaa, ayaa waxaa ka qaybgalay qaar kamid ah Sii hayayaasha Wasiirada Xukuumadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Turkiga ee Muqdishoka howlgala.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaabi doonin taageerada iyo garab istaaga ay u sameysay Dowladda Turkiga.

“Walaalaha Turkiga waxqabad muuqdo ayay dalka ka fuliyeen, runtii shacabka Soomaaliyeed ma iloobi doonaan abaalka ay noo galeen Walaalaha Turkiga” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Bisha cas ee dalka Turkiga Nihat Adiguzel oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku yimid dalka ay tahay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa Walaaltinimada ka dhexeysa labada dal.

“Waxaan jeclahay in aan aad uga mahadceliyo Guddoomiyaha Gobolka qabsoomidda xafladan, tan kale maanta waxaa qormay taariikh kale oo horleh, Walaalaha Turkiga waxbadan ayay noo qabteen, waana u mahadcelineynaa” ayuu Wasiir Goodax hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Hoos Ka Daawo sawirada:

1

2

3

4

5

6

7

8

9

11

12

14

15

16

17

18