Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay khilaafka madaxda dalka dowladda Somalia

0

 Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay  ayaa nadiib darro ku tilmaamay kala aragti duwanaanshaha madaxda dowladda federalka Soomaaliya, taasi oo la xiriirta dib dhaca golaha wasiirada ee Soomaaliya.

Reysal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaaxalay fiidkii magacaabay xukuumad cusub oo ka kooban 20 wasiir, kuwaas oo uu ku badalay golihii wasiirada ee uu dhawaan la noqday magacaabistoodii.

Nicolas Kay ayaa sheegay beesha caalamku inay rajeynayso inuu barlamanku si dhaqso ah ku meel mariyo golahaan cusub si aanu u imaan dib u dhac dambe.

Bishaan horaanteedii, barlamaanka Soomaliya ayaa diiday tiro wasiiro ah oo uu soo magacaabay Cumar Cabdirashiid.  Kay ayaa sheegay golaha wasirada in looga baahan yahay inay dalka xasilin karaan ilaa dalka laga gaarsiinayo doorashooyin xor ah.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu yeeray inay kor dhiyaan taageeradooda barnaamijyada arimaha binu’aadamtinimada si looga hortago gaajada.