Rag looga shakiyay inay gacan saar la leeyihiin Xoogaga Shabaab oo dalka Kenya lagu qabtay.

0

Ciidamada ammaanka Jazeerada Lamu ee dalka Kenya ayaa qabtay dad lagu tuhmay inay gacan saar la leeyihiin dhaq-dhaqaaqa Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Jazeerada Lamu, kadib howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo oo ciidamada ay sameeyeen ayeey ugu suuragashay in gacanta lagu soo dhigo raggaasi lagu tuhmay inay gacan saar la leeyihiin Shabaabka hubaysan.

Ragga lasoo qabtay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 3-ruux oo waxa ay gacanta ugu jiraan ciidamada ammaanka Jazeerada Lamu, halkaasi oo la sheegay in baaritaan uu ku socdo.

Saddexda ruux ayaa gabi ahaantoodba waxa ay udhasheen dalka Kenya, waxaana xilliga ciidamada ay qabanaayeen ay kusii jeedeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida Saraakiisha Booliiska Kenya laga soo xigtay.

Saraakiisha ciidamada Booliiska Kenya weli war faah-faahsan kama aysan soo saarin raggaasi ay gacanta ku dhigeen iyo qorshooyinkii ay ku qabteen intaba.

Xoogaga Shabaab ayaa dhowr mar weeraro waxa ay ka geysteen gudaha dalka Kenya, gaar ahaan ahaan weeraradii ugu badnaa waxa ay ka geysteen Lamu iyo Mandheera oo ku dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.