(Sawirro) Musharax Xasan Qalaad oo Si Heersara Ah Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel.

0

Musharax utaagan xilka madaxtinimo ee maamulka g\dhexe Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo manta soogaray degmada guriceel ayaa si weeyn waxaa ugu soo dhaweeyay dadweynaha degmadaasi

Ugu horeeyn munaasabad loo gu talagalay in lagu soo dhaweeyo musharaxa ayaa waxa eey uga qeeybgaleen hoolka shirarka degmada guriceel,waxaana xafladaasi furay guddomiya kuxigeenka degmada Guriceel Cali Baashi Aadan Diriye

Sidoo kale waxaa madashaasi qudbado kajeediyay odayaasha dhaqanka dhalinyarada iyo haweenka abwaanada iyo barbaarta gashaaman iyagoona sheegay ineey soo dhaweynayaan musharaxa

Gabagabadii waxaa hadal kooban ka jeediyay madasha musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta beelaha dega gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Hoos Ka Arag Sawiradda:

216 318 415 musharax