Sawirro:- Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay.

0

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Horumarka Mashaariicda dalka, Turkiga iyo Somalia oo heshiisyo kala saxiixday, deegaano cusub oo Al-Shabaab laga saaray, Dib u heshiisiin la dhexdhigay beelo dagaalamay, mas’uul Al-Shabaab ah oo nabadda qaatay, Golaha Wasiirada cusub oo la magacaabay, horumarka bilicda Muqdisho, Maxaas oo gar-gaar bani’aadanimo la gaarsiiyey iyo horumarka New Deal-ka.

Horumarka Mashaariicda Dalka

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka mashaariicda horumarineed ayaa yiri “25kii Janaayo 2015 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay xariga ka jareen isbitaalka Erdogan (horey loo oran jirey Digfer) iyo Terminal cusub oo uu yeeshay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Adan Cadde. Madaxweynaha Turkiga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Muqdisho ayaa sheegay in Turkiga ay ka go’antahay sidii ay Soomaaliya uga caawini laheed mashaariicda horumarineed. Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ayaa maanta awood u leh inay ka baxaan 5,000 oo qofood halka ay markii hore awoodiisu ku koobneyd 300 oo kaliya. Dhanka kale Isbitaalka Erdogan ayaa ah mid si heer casri ah loo dhisay lehna xarun cilmibaaris lagu sameeyo oo kalkaaliyeyaasha caafimaad ay wax ku bartaan, isla markaasna leh masaajid aad u weyn. Isbitaalkan ayaa qalabka caafimaadka ee yaala ay yihiin kuwa ugu casriyeysan Bariga Afrika. Madaxweynaha Turkiga ayaa ballanqaaday in Wasaarada Caafimaadka ee Turkiga ay miisaaniyad u qoondeeyeen 5ta sano oo soo socoto isla markaasna ay diyaarinayaan takhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo 5 sano ka dib lagu wareejin doono.”

Turkiga iyo Somalia oo heshiiyo kala saxiixdeen

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey heshiisyo ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Somalia ayaa yiri “25kii Janaayo 2015 ayaa wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo Dowladda Soomaaliya ay heshiis ku kala saxiixdeen Muqdisho, heshiiskaas oo ka koobnaa iskaashiga dhanka militariga iyo amniga ee labada dal oo ay ka mid yihiin sidii ciidamada amniga ee Soomaaliya loo siin lahaa tababar kor loogu qaadayo xirfadahooda, sidoo kale heshiiska waxaa ka mid ahaa sidii Somalia looga taageeri lahaa mashaariicda dhalinyarada iyo cayaaraha, gaadiidka badda, taageerada booliska iyo arrimo kale. Madaxweynaha Turkiga ayaa ballanqaaday in Turkiga uu muddo labo sano ah gudahood uu ku dhisi doono 10,000 oo guri. Madaxweynaha Somalia ayaa booqashada Erdogan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo geesinimo leh, ugana mahadceliyey Turkiga sida dhabta ah oo ay ugu soo jeedaan dib u dhiska dalka Somalia.”

Deegaano cusub oo Al-Shabaab laga saaray

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey guulaha ciidamada ayaa yiri “28kii Janaayo 2015 ayaa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM ay la wereegeen deegaannada Jamaay Cabdalle oo qiyaastii degmada Afmadow u jirta 80km, Deegaanka Farwaamo, iyo deegaanno kale oo ku teetsan wabiga Jubba, iyadoo qabsashada deegaanadaasi ay ka dambeysay howlgalo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanadaasi. Kooxda Al Shabaab oo dhibaatooyin kale duwan u geysatay shacbiga Soomaaliyeed ayaa la wiiqay awoodoodi kaddib weeraro is xig xigay oo ciidamada qalabka sida ay ku qaadeen deegaannadii iyo degmooyinkii dalka ay kaga sugnaayeen taa oo sababtay in ay waayaan meel ay u cararaan kuwaa oo jab xoog leh la kulmaya.”

Dib u heshiisiin la dhexdhigay beelo dagaalamay

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dib u heshiisiin la dhexdhigay beelo diraray ayaa yiri “28kii Janaayo 2015 ayaa Madaxweynaha Koofur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Sharif Xasan Sheekh Adan uu soo xiray shirka dib-uheshiisiinta dhinacyadii ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo degmada Afgooye lagu soo gebo agebeyeey. Shirka oo ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa maleeshiyo beeleedyo dagaalay, ayaa waxaa ka qeyb galay Culimaa’udiin, odoyaal dhaqameed, waxgarad, aqoonyahanno, haween, dhalinyarro iyo marti sharaf kale ee deegaannada Gobolka Shabeelaha Hoose. Wasiirka Dib-u-heshiisiinta ee Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Cabdiqaadir Nuur Carraale oo shirka ka akhriyay 9 qodob oo lagu heshiiyey ayaa ka codsaday dhinacyadii horey colaadda u dhexmartay inay fuliyaan qodobada lagu heshiiyay. Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in ciddii jebisa heshiiskan lagu qaadi doono xeer ciqaabeedka u degsan Soomaalida iyo kan dowliga ahba, In goobihii lagu dagaalamay la geeyo ciidamado isku dhaf ah oo isugu jira boolis iyo Nabad sugid, In tababaro iyo dhaqan celin loo sameeyo maleeshiyaadka hubeysan ee gobolka ku sugan, In gar gaar beni’aadanimo loo fidiyo, loona sameeyo barnaamijyo dib u dejin ah dadkii ku barakacay colaadda iyo qodobo kale. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in heshiis buuxo laga gaaray colaado ka taagneyd gobolka, isagoo kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan heshiiska lagu soo afjarayay colaado soo noq noqday oo gobolka Shabeelaha Hoose ka taagnayd.”

Mas’uul Al-Shabaab ah oo nabadda qaatay

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Mas’uul Al-Shabaab ka tirsan oo nabada qaatay ayaa yiri “Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweysey Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Al-Shabaab inuu sheegay inuu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab oo uu nabada qaatay. Zakriya Ismaaciil Xirsi ayaa 27kii Janaayo 2015 shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho ku caddeeyey inuusan waxii maanta ka danbeeya uusan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, isla markaasna uu mabaadiidsiisa iyo fikirkiisa uu ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo isfaham. Zakariya ayaa ugu baaqay kuna dhiiri galiyey ragga saaxibadiis ah inay si wadahadal iyo nabadgalyo ah ay wax ku xaliyaan maadaama uu ururkii ku yimid burbur iyo kala tag. Wasiirka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku tilmaamay talaabada Zakariya mid geesinmo ah oo horseed u noqon karta in kuwa kalena ay tusaalihiisa soo raacaan oo ay nabada qaataan. Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay Marwalba irdaha ay u furan yihiin kuwa iska fogeeya fikirka wax burburinta ee Al Shabaab ee diyaarka u ah inay nabadda qaataan.”

Golaha Wasiirada cusub oo la magacaabay

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey magacaabista golaha wasiirada ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa 27kii ku dhawaaqay magacyada xubnaha Golaha Wasiirada, kadib wadatashi uu la yeeshay madaxweynaha, gudoonka baarlamaanka, xildhiibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, Golahaan Wasiirada ayaa waxay ka kooban yihiin 20 wasiir, iyadoo dib laga soo magacaabayo Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isagoo gudanaya waajibka dastuuriga inuu soo dhisay Xukuumad ku sifoobaysa aqoon, hufnaan, waayo argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sanadka 2016-ka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay si loo helo isfaham siyaasadeed in Wasiirradan aysan wax raad ah ku lahayn khilaafka siyaasadeed ee hadda jira, isla markaana buuxin karaan hawsha ay shacabku ka filanayaan.”

Horumarka Bilicda Muqdisho

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka bilicda Muqdisho ayaa yiri “29kii Janaayo 2015 ayuu Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalada Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Mungab) uu xariga ka jaray 333 nal oo Ku shaqeynaya Cad Ceeda, kuwaasi oo lagu Xiray Wadada Warshadaha. Guddoomiye Muungaab oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo kuwa degmooyinka ayaa shaaciyay in nalalka cad cadeedda ku shaqeeya ay yihiin kuwa laga hirgelinayo jidka Warshadaha, waxaana uu ugu baaqay bulshada deegaannadaasi inay ka hortagaan cidkasta oo doonayso in qaraxyo ku xiraan nalalka, maadaama nalalku ay yihiin kuwa qeyb ka ah bilicda caasimadda.”

Gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyey Maxaas

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey barnaamijka gar-gaarka bani’aadanimo ayaa yiri “Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa 29kii Janaayo dadka ku dhibateysnaa degmadaas ay u qeybiyeen deeq raashin ah oo isugu jirta bur iyo sonkor. Dadka rashiinka loo qeybinayey ayaa iskugu jiray dad reer guuraa ah iyo kuwa degan degmada oo ay dhibaato haysato. Muumin Maxamed Xalane gudoomiyaha degamda Maxaas ayaa sheegay in qoyskiiba la siiyay 50kg oo isugu jira bur iyo bariis isagoo sheegay in si cadaalad ah ay u qeybiyeen raashinkaasi. Guddoomiyaha Maamulka degmada Maxaas ayaa sheegay in raashinkaasi uu yahay mid aan dabooli karin baahida ka jirta deegaanka, wuxuna gar-gaar ka dalbay hay’addaha gar-gaarka iyo dowlada Soomaaliya in ay la soo gaaraan dadkaasi oo uu sheegay gar gaarka ay siiyeen in uu yahay mid aan dabooli Karin baahiyaha ay qabaan. Waa gar gaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyo degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan muddo sanado ah oo ay ku amar ku taagleynayeen argagaxisada Al Shabaab kuwaa oo u diiday dadkaasi nolosha.”

Horumarka New Deal

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka New Deal-ka ayaa yiri “Hay’ada isku dubarida Deeqaha (ACU) ayaa kulan afar maalmood ah oo ku aadan PSG4 ku qabatay Garowe ee caasimada Puntland 26kii illaa 29kii Janaayo 2015. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo lagu qabtay gobollada dalka, iyadoo ujeedadu aheyd in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo fulinta barnaamijka New Deal oo gobol walba uu ka qeyb qaato hirgelintiisa. Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socda Dowladda Federaalka, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Banaadir, Galmudug, bulshada rayidka ah iyo xunbo ka socday beesha caalamka oo ay ku jireen Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika. Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa shirka furay 26kii Janaayo sheegeyna muhiimada New Deal iyo in PSG-yada kalena loo baahan yahay in lagu qabto gobollada dalka. Ka dib doodo, wadahadal iyo is dhageysi muddo afar cisho ah ayaa waxaa la isla gartay inay muhiim tahay in la sii xoojiyo wadashaqeynta dhammaan hay’adaha dowliga, bulshada rayidka iyo beesha caalamka. Waxaana sidoo kale la isla gartay in in guddi labada PSG4 iyo PSG5 ka socda ay sii dar-dargeliyaan wadashaqeynta hay’adaha oo dhan. Bankiga Adduunka iyo Qarmada Midoobay ayaa soo bandhigay warbixinada dhaqaalaha iyo heerka kaalmada dalka soo gaartay ilaa iyo hadda. ACU ayaa in muddo ahba waday dadaalada lagu xoojinayo dhaqangelinta howlaha muhiimka ah ee New Deal-ka oo qabaneyso kulamo muhiim u ah sii xoojinta wadashaqeynta hay’adaha oo dhan.”

DHAMAAD – Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha.

unnamed (1) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed