Shir Dib u heshiisiin horu-dhac u ah shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo ka furmaya Dhuusa Mareeb.

0

Shir dib u heshiisiin horu-dhac u ah shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoo qaban qaabada shirkan ay maalmahan ka socotay magaalada.

Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb C/raxmaan Geeda-Qorow ayaa sheegay in shirkan dib u heshiisiinta ah ay ka qeyb geli doonaan beelaha ka soo jeeda Gobolada Dhexe, isagoo xusay in wixii khilaaf iyo colaad ah ee dhex maray looga heshiin doono.

“Shirkan waxaa ka qeyb geli doona beelaha ka soo jeeda Gobolada Dhexe, waa shir dib u heshiisiin oo wixii khilaafaad ah xal looga gaarayo”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen shirkan, isla markaana ay rajeynayaan inuu ka soo baxo qodobo miro dhal u ah degenaanshaha iyo xasiloonida gobolka iyo sidii aanu mar dambe u soo laaban laheyn colaad.

Ergooyin ka socota Beelaha ayaa ku qul qulayay magaalada Dhuusa Mareeb, waxaana shir ay dhowaan ku yeesheen magaalada Muqdisho odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin, qeybaha bulshada lagu go’aamiyay in shir dib u heshiisiin lagu qabto Dhuusa Mareeb.

Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaan wali qabsoomin, inkastoo ay caqabado badan ku hor-gudban yihiin, waxaana la filayaa in Gudiga farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay dhowaan ku dhawaaqaan goorta uu shirka dhici doono.