Shir Looga Hadlayo Hiigsaga 2016 Oo Maanta Ka Furmaya Garowe.

0

Waxaa Maanta magaalada Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Ka Furmaya shir looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) ee sanadka 2016, iyadoo qaban qaabada shirkan labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay magaalada Garowe.

Madaxweyne Gaas ayaa shirkan si rasmi ah u furi doona, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya, wakiilo ka socda Maamul Goboleedyada iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Waxaanna Muhiimadda Lagu Saari Doonnaa arrimaha hiigsiga cusub ee sanadka 2016 oo la rajeynayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, kaalinta Maamul goboleedyada ku leeyihiin barnaamijka New Deal iyo arrimo kale.

Waxaanna Shirka Uu Ka Furmi Doonnaa xarunta Hey’adda wada tashiga iyo cilmi baarista Puntland ee PDRC, Ayadoo Ammaanka magaalada Garowe Aad loo adkeeyay,

La soco Faah Faahinta Haduu Alle Idmo.