Somaliland Yaa Ku Haya Magaalada Laascaanood Ma Ciidan Mise Shaqsi?

0

Somaliland lascanod miyay haysataa mise jaamac siyaad ayaa ku haya?

Published on January 28, 2015 by    ·   No Comments

Qabsigii laascaanood ee somaliland laga soo bilaabo waxaa isa soo tarayay eedaynta ciddii ka dambaysay qabsiga, inta badanna waxaa dusha loo saaraa laguna gaaryeelaa jaamac siyaad iyada oo lagu sababaynayo in ay hiil cudud, iyo siyaasadba ah isla garab taageen ciidamada Somaliland, eedaymahaa waxaa ugu dambeeyay maqaalkii cinwaanka looga dhigay laascaanood ma Somaliland ayaa haysata mise waa lagu hayaa?.

Diinteenu waxay ina faraysaa cadaaladda, soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa ‘’gaalka dil gartiisana sii’’ markasta waa in aad xaqaan noqotaa, xaalad kastana aad runta ku hagoogataa.

Waxaa yaab iyo amakaag leh in marka siyaasi shaqa tagay oo ku abtirsada jaamac siyaad uu television-da ka muuqdo la yidhaahdo laascaanood siyaasad ayaa lagu haystaa marka la casilo ee siyaasi dhulbahante kale ahi ka muuqdana cabbirkii hore la wareejiyo oo la raadiyo meel kale oo eedda jaamac siyaad looga xambaarin Karo, haddii askari jaamac siyaad ah oo awood leh la arkana cabbirka laga dhigo awood ciidan ayaa laascaanood lagu haystaa haddii askarigaa la badalana cabbirka loo wareejiyo meel kale oo jaamac siyaad laga warmayn karo, haddii la waayo siyaasi ama askari jaamac siyaad ah oo ka dhex muuqda Somaliland waxaa qabsiga lagu sababeeyaa deegaanka ay Somaliland ayaa sababay haysashada!! Ma deegaanka jaamac siyaad kaliya ayay Somaliland joogtaa?.

Eedaynta ugu badan ee loo xambaariyo jaamac siyaad waa in la yidhaahdo awood ciidan ayay Somaliland ku garab istaageen qabsigii lascanod, haddiise ay taasi run tahay ma la is waydiiyay tirada ciidan iyo tiknikada ay wateen horgaleyaasha jaamac siyaad ku abtirsada qabsigii lascanod! malahayga waa maya.

Maqaalkii cinwaanka looga dhigay Somaliland lascanod miyay haysataa mise waa lagu hayaa?,  waxaa eedda jaamac siyaad u keenay rag laga xusay:
Cabdilaahi xaaji, yaasiin faratoon, iyo cali sandulle ma dafirayo khaladka ay nimankaani dhulbahante ka galeen laakiin hala sheego inta uu gaadhsiisanaa doorkooda iyo in ay iyagu u tun waynaayeen siyaasiyiintii dhulbahante ee markaa Somaliland la safnaa, kasii darane raggan qaarkood  waa askar qaarna waa siyaasiyiin, bal ha la is waydiiyo cali sandulle iyo  yaasiin faratoon miyaa ugu tun waynaa siyaasiyiintii dhulbahante ee waaggaa somaliland la safnaa?!!  Cabdilahi xaji-na muxuu ahaa  xilka uu waaggaa Somaliland u hayay haddiise uu xil hayay ma isaga ayaa ugu darajo sareeyay saraakiishii dhulbahante ee askarta u ahaa somalilanda?!!  “BAROORTU ORGIGA KA WAYN” xaaladduna run sheeg ka fog.

Labaatan maalmood iyadoo aynan kasoo wareegin qabsigii lascanod beesha jaamac siyaad waxay bilawday halgan dib u xorayn ah iyadoo aan dhulbahante kale iyo maamulkii markaa jiray ee puntland midna kaalmo iyo garab gal ka raadsan, waa jamhaddii 2-da sano ka aas aasnayd deegaanka GAMBADHE uuna hogaamin jiray farxaan maxashwaan  xirsi-iish abaan-duulaha ciidamada khaatumo ee hadda.

Sidoo kale waxay ahayd beeshii ugu horaysay ee TIKNIKO iyo ciiddan u hibaysa dib u xoraynta  laascaanood, waa baabuurtii iyo ciidankii tiir dhexaadka u ahaa dhaqdhaqaaqii dib-u-xoraynta ee SSC loo yaqaanay.

Labadaa dhacdo waxay caddayn u yihiiin in aynan beesha jaamac siyaad raalli ka ahayn qabsigii ayna ka dhiidhiyeen uguna cadcad yihiin halgan kasta oo dib loogu hananayo deegaanka maqan horayso iyo hadaba.

GABA-GABO IYO TALO

  1. waxaan ku talin lahaa in shakhsiyaad fara ku tiris dambi ay galeen aan loo eedayn  qabiil wanaaggiisu badan yahay aanna la sababin kala fogaansho hor leh ee dadka la isu soo xaasaamiyo ciddii khalad jira ka dhiidhiyaysana way fiican tahay ee ha u marto dariiqa saxda ah. Ninkii xiisaynaya inuu qabiil gaar ah ifiyo ha sawirto qabiilkiisa oo khalad aynan lahayn dusha loo saarayo lagana dhigayo hal cadho qabt
  2. ninkii ayaa laga sheegay warhoy hebelow’’ GEELA SALAADDA KA DAA HADDII AADAN KA DAYNAYNA TA CASAR KADAA’’ haddii aan talada kor ku xusan la qaadanayn khalad kasta hala saaro ciddii gashay, hana la joojiyo  ‘’WIXII XUNBA XAAWAA LEH’’

Fiiro gaar ah: ma difaacayo horgalayaasha ku abtirsada jaamac siyaad ee u shaqa tagay Somaliland mana dafirsani dhibta ay ku hayaan reer SSC laakiin dambi la wada galay yaan cid lagu gaaryeelin qabiilna yaan qof khaladkii loo maagin.

Jamac Cisman Saleebaan