Top Dhageyso: Waxgaradka waqooyiga Galgaduud oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Xasan Sheekh

0

Xili ay xaalado Caafimaad daro ka jiraan deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in dad ay u dhinteen Cudurada ka dilaacay dagmooyinka Gbolka oo ay ka mid yihiin Balamballe’Caabuidwaaq iyo dagmooyin kale.

Aadan Cigaal oo ka mid ah cuqaasha ku nool waqooyiga gobalka Galgaduud ayaa sheegay in Cudurada ka dilaacay deegaano hoos yimaada Balamballe ay u dhinteen ilaa 4-Caruur ah oo ka mid ahaa Qoysaska Dagan goobaha ay Cuduradu ka jiraan waxaana uu beeniyay in dadkaasi Gar gaar Buina’aadan nimo la gaarsiiyay.

Inta la xaqiijiyay illaa iyo hadda 4-Caruur ah ayaa Caafimaad Daro ugu geriyootay deegaano iyo Dagmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay in waqooyiga gobalka Galgaduud ee beesha Sade ay degto dowladdu ay hagratay sidaas darteedna ay ka dalbanayaan in ay gurmad la soo gaarto.

Halkan ka dhageyso: