TOP NEWS:- Ciidanka Galmudug oo adkeeyay ammaanka waddooyinka Gaalkacyo laga galo – Feejignaan

0

Waxaa bilabatay qayb ka mida cunaqabataynta aan idiin sheegnay tartiib loo cunay baratay

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Galmudug, ayaa waxaa maanta lagu arkayaa Kontoroolka hore ee laga galo Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Tani waxay ka dambeysay markii Maamulka uu lacago dheeraad ah uu ku soo rogay gaadiidka xamuulka ah, ee doonaaya inay ka gudbaan Kontoroolka Magaalada Galkacyo, una gudbaan Gobolada Bari ee Somaliya.

Boqolaal askari oo Ciidamada Galmudug ah oo ku sugan Kontoroolka, ayaa waxay ka feejigan yihiin in gawaaridu ay ka gudubto Kontoroolka, kuwooda aan bixin lacagaha lagu amray bixintooda.

ciidanka Galmudug